Ra’iisul wasaare Rooble oo la kulmay danjirayaasha dunida u jooga Soomaaliya+sawirro.

Date:

Raโ€™iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay qaar kamid ah Safiirrada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya iyo wakiillada Qaramada Midoobay, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Kulanka ayaa la isku dhaafsaday talooyin ku aaddan xaaladda waddanka iyo sidii ay u dhex mari lahayd Xukuumadda cusub wada-shaqayn dhow, isla markaana horay loogu sii wada ambaqaadi lahaa horumarrada ay dowladdu gaartay. Iyadoo kulanka ay qeyb ka ahaayeen siihayaha Raโ€™iisul Wasaare ku-xigeenka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed iyo siihayaha Wasiirka Arrimaha dibedda Amb Axmed Ciise Cawad.

Safiirrada ayaa muujiyay taageeradooda Raโ€™iisul Wasaaraha cusub una rajeeyay in uu ku guuleysto howlaha muhiimka ah ee horyaalla Xukuumaddiisa, waxayna ammaaneen arrimaha mudnaanta u leh Raโ€™iisul Wasaaraha Rooble ee Amniga, Doorashooyinka iyo Dib-u-habeynta hannaanka maaliyadda.

ย ย ย ย ย ย ย 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale