Turkiga oo cadaalad xumo ku tilmaamay shirkad Turkish ah oo Midowga Yurub cunaabateeyeen.

Date:

Turkiga ayaa talaadada maanta ah sheegay in cunaqabateynta Midowga Yurub saareen shirkad Turki ah oo lagu eedeeyay in ay ku xadgudubtay xayiraadda hubka ee dalka Libya ay tahay mid labo u jeeddo leh isla markaana cadaalad aheyn.

Shalay ayaa midowga Yurub waxaa ay xayireen dhaqaalaha shirkadda maraakiibta ee Avrasya, taas oo lagu eedeeyay in markab Cirkin ee shirakadaas uu ku lug lahaa isku dhacii dhex maray labada dal ee NATO ka wada tirsan Turkiga iyo France bishii June ee sanadkan.

Midowga Yurub waxaa uu ku eedeeyay shirkaddan in ay si dhuulaameysi ah hub ku gelisay Libya. Ankara ayaa dafirtay eedahaas waxayna ku doodaysaa in Markabka uusan sidin hub ee shixnadda saaran ah aheyd mid bani’aadanimo.

“Howlgalka Irini ee midowga Yurub wuxuu abaal mariyay Xaftar waxaana uu ciqaabayaa dowladda QM aqoonsan tahay ee Libya,” sidaa waxaa sheegay wasaaradda arrimaha dibadda.

Xukuumadda Ankara ayaa taageerta dowladda Libya ee caalamku aqoonsan yahay ee fadhida Tripoli. Iyadoo kooxda janaraalka fallaagada ah ee Khaliifa Xaftar ee la baxay ciidanka qaranka Libya ay taageeraan dalalka Imaaraadka, Masar iyo Russia.

Xayiraadda la saaray shirakaddan Turkiga ah ka sokow waxaa sidoo kale la cunaqabateeyay labo nin oo Libiyaan ah iyo shirkadood oo kala ah, Sigma Airlines oo laga leeyahay dalka Kazakhstan iyo Med Wave Shipping oo laga Jordan laga leeyahay.

Turkiga sidoo kale waxaa laga yaabaa in uu wajaho cunaqabateyn kale oo midowga Yurub uga timaada taas oo ku saleysan xiisadda ka taagan bariga badda Mediterranean oo lahaanshaheeda isku hayaan Giriiga iyo Qubrusta Turkiga raacsan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Tababar heer sare ah oo la xiriira baarista dambiyada oo lagu qabtay Muqdisho

Tababar heer sare ah oo ku saabsan baarista dambiyada...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo guddoomiyey shirka amniga ee deegaannada Koonfur Galbeed

-Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Hoggaamiye Aadan Madoobe oo lagu soo dhaweeyay Baydhabo

Hoggaamiyaha Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur...

Daahfurka mashaariicda uu Isbahaysiga Milatari ee Islaamka ka fulinayo Muqdisho oo bilaabatay

Waxaa si rasmi ah magaalada Muqdisho uga bilaabatay munaasabadda...