Mareykanka tirada dhimashada oo ku dhow 200,000 oo ruux.

Date:

Tirada dhimashada safmarka COVID-19 ee Mareykanka ayaa mareysa ku dhowaad 200,000 taas oo ka dhigan iyo shantii qof ee feyraska cororna caalamka ugu geeriyoota uu mid kamid ah yahay qof Amerikaan, waxayna su’aal gelisay sida Madaxweyne Trump ula tacaalay safmarka xilli markii labaad u ololeynayo xafiiska.

Sida laga soo xigtay Jaamacadda Johns Hopkins University, Mareykanka waxaa laga diiwaan geliyay ugu yaraan 199,818 qof in ay u dhinteen, iyadoo kiisaska COVID-19 ee dalkaas gaarayso in ka badan 6.8 million, waana dalka ugu badan caalamka kiisaska Corona. In ka badan 70% dadka u dhintay da’dooda waxay ka weyn tahay 65 sano.

Cel celis ahaa todobaadkii Mareykanka waxaa ugu dhintay safmarka ku dhowaad 800 oo ruux, sida ay baahisay wakaaladda wararka Reuters, waxayna intaas ku dartay in tirada dhimashada 5% korortay toodbaadkii hore.

Machadka caafimaadka Jaamacadda Washington ayaa saadaalisay in tirada dhimashada gaari doono 378,000 oo ruux dhammaadka sanadkan 2020, iyadoo maalin kasta geeriyoon doonaan 3,000 ilaa bartamaha bisha December. Dadka dhaliila maamulka Trump waxay sheegeen in xogaha feyraska ay tilmaan u tahay sida maamulka ugu guul dareystay in uu wax ka qabto safmarka.

“Karti xumada iyo beenta Donald Trump ayaa sabab u ah in aan aragno lixdii bilood ee la soo dhaafay in Mareykanka ay ka dhintan dadkii ugu badnaa taariikhda, sidaa waxaa isniintii sheegay musharaxa xisbiga Dimoqraadiga Joe Biden.

Gobolada ugu dhimashada badan waxaa kamid ah, gobolada koofureed ee Mareykanka Texas iyo Florida waxana ku soo xigay California. Isniintii, Trump waxaa uu qirey in dalka uu xaalad xun ku jiray.

Trump ayaa ka dambeeyay Joe Biden ra’yi uruurin la sameeyay inkastoo aad isugu dhow yihiin haddana Madaxweyne Trump waxaa caqabad ku ah sida uu u maareeyay safmarka COVID-19 iyo dhaqaale burbruka wadanka ku qabsaday ayaa laga yaabaa in codad badan ku waayo doorashada 3 bisha November.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Doorashooyinka oo degmada Warshiikh ka bilaabay ololaha diiwaangelinta codbixiyeyaasha

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Turkiga u fadhiya Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Taliyaha Ciidanka dhulka Soomaaliya oo kulan la qaatay dhiggiisa dalka Nigeria

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye...

Wasiir ku-xigeenka Warfaafinta XFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dalka Netherlands kaga qeyb galay xafladda sanadlaha ah ee CMD Awards

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka...