Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka wada Galmudug.

Date:

Ciidamada Xoogga Dalka Qaybta 21-aad, gaar ahaan Guutada 15-aad ayaa guulo kasoo hooyay howlgalo 24-kii saac ee lasoo dhaafay ay ku beegsadeen deegaano maleeshiyaadka Alshabaab dhuumaaleysi ku joogeen oo ka tirsan bariga Gobolka Galguduud.
Ciidanka ayaa burburiyay fariisimaha cadawga ee ku yaaley deegaanka Miir-dugul, waxayna wali ciidanku baacsi ku hayaan firxadka kooxda oo kujira dhulka miyiga ah kuwaa oo wali isku dayaya in ay helaan gabaad si ay usii wadaan dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.
Gudigga Amniga ee Gollaha Baarlamaanka Galmudug oo uu hoggaaminayo Gudoomiye Xil. Xassan Xirsi ayaa galabta Ciidamada soo gaarsiiyay sahay, taasi oo qayb ka ah dhiiri-galinta howlgalada socda ee Ciidamada Xoogga Dalka.
Taliye Xigeenka Guutada 15-aad G/Le Xirsi Cali Quuri oo gudoomey garab istaaga gudigga amniga ayaa tilmaamey in howlgalada ciidamadu qaadeen lagu wiiqay maleeshiyada Alshabaab, walina lasii raad joogo firxadkooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xarunta Boqor Salmaan oo maanta Muqdisho ka daah-furtay qeybinta Zakaatul Fitriga.

Xarunta Boqor Salmaan ee Gargaarka iyo Hawlaha Bani’aadannimada, iyadoo...

Gobolka Banaadir oo deeq lacageed oo Ciid-siin ah u qeybiyey dad baahiya gaar ah qaba

Guddoomıyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdısho Dr....

Kulan loogu duceeyay shuhadadii naftooda u huray qaranka Soomaaliyedd ee CXD oo lagu qabtay Muqdisho

Wasiirrada Gaashaandhigga, Axmed Macallin Fiqi, Waxbarashada, Dhaqanka iyo Tacliinta...

Kaaraan oo kaalinta 3-aad ka gashay Tartan Cilmiyeedka Ramadaanka ee Warbaahinta Qaranka

Tartamayaasha Degmada Kaaraaan ayaa ku guuleystay kaalinta 3-aad ee...