Alexei Navalny oo kasoo muuqday baraha bulshada kadib xaalad qatar ah oo uu galay.

Date:

Hoggaamiyaha Mucaaradka  Ruushka Alexei Navalny ayaa markii ugu horeysay ka soo muuqday baraha bulshada ay ku xiriirto ka dib markii uu galay xaalad caafimaad oo halis ah.

Masawir lagu baahiyay barta Instgram ah ee uu gaarka u leeyahay mr,Navalny ayaa lagu arkay isaga oo ka soo degaya jaranjaro.

“Aan kuu sheego sida ay soo kabashadaydu u socoto, horey ayayba u cadeyd inkastoo ay tahay waddo dheer  ”ayuu Navalny ku qoray bartiisa Instgram-ka.

Dhaqaatiirta la tacaaleysa xaaladda hoggaamiyaha Mucaaradka Ruushka ayaa horey u sheegay in 5-maalmood ka hor uu Navalny ka baxay xaaladdii neef la’aanta, haddana uu si caadi ah u neefsan karo.
Bishii la soo dhaafay ayay aheyd markii uu miir daboolmay Alexei,waxa ayna dhaqaatiirta xaqiijiyeen in la sumeeyay.

Navalny oo ah nin si weyn u dhaliila siyaasadda madaxweyne Vladimir Putin ayaa ku xanuunsaday magaalada Siberia bishii hore,waxaana loo kaxeeyay magaalada Berlin ee Dalka Jarmalka si loo samatabixiyo xaaladdiisa oo aad u liidatay.

baaritaano dhinaca caafimaadka oo  ay sameeyeen 3-wadan ayaa lagu sheegay in la sumeeyay,weli dowladda Ruushka kama hadlin soo laabashada hoggaamiyaha Mucaaradka dalkaas.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo wadahadal la yeeshay Safiirka Turkiye ee Soomaaliya

Guddoomiye Dr. Muungaab ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka...

Wafdi Gaanacsato Shiine ah oo soo gaaray Muqdisho(SAWIRO)

Wafdi ganacsi oo Shiinaha ka socda ayaa maanta soo...

Safaaradda Soomaaliya ee Kenya oo soo dhaweysay Ku-xigeenka Danjiraha Safaaradda Mareykanka ee dalka Soomaaliya

Danjiraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee dalka Kenya, Mudane Jabriil...

Wasiiru-Dowlaha Qoyska oo Muqdisho ka daahfuray mashruuc lagu taageerayo carruurta agoonta ah

Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqda Aadanaha ee XFS,...