Maamulka Gobolka Banaadir oo kulan sagootin ah u sameeyay Naadiga Dowladda Hoose+Sawirro.

Date:

Maamulka gobolka banaadir ayaa kulan sagootin u sameeyay naadiga Dowladda hoose ee xamar oo safar Isboorti ugu amba-baxaya magaalada Garoowe ee xarunta maamul goboleedka Puntland.

Guddoomiye Ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir Mudane. Axmed Xasan Iimaan, Agaasimaha Guud ee Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maxamed Axmed Cantoobo, Afhayeenka Gobolka,Saalax Cumar La-taliyeyaal ka tirsan maamulka gobolka banaadir iyo madaxtooyada qaranka ayaa ka qeyb-galay munaasabada sagootinta iyagoona u rajeeyay Cayaartoyda iyo madaxda naadiga MCC in ay guul kala soo laabtaan kulamada ciyaareed oo ay wajihi doonaan naadiyada ka dhisan deegaannada dowlad goboleedka Puntland.

Masuuliyiinta ayaa ayaa guud ahaan kooxda kula dar daarmay inay soo bandhigaan ciyaaro ku qotoma anshax iyo kala dambeyn waxaana ay urajeeyeen guul.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...