Madaxweyne Lafta Gareen oo la kulmay Taliyaha ciidanka Xoogga dalka.

Date:

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur-Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa hoyga uu ka deganyahay muqdisho kulan kula qaatay Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaliyeed Generaal Odowaa Yuusuf Raage.

Madaxweynaha ayaa Warbixin ku saabsan Amniga iyo guulaha laga gaaray Ciribtirka argigixisada ka dhagaystay Taliyaha waxaana uu tilmaamay Generaal Odowaa in cadowga A-lshabaab qasaaro iyo jab xooggan loogu geystay howlgaladii ka socday qeybo kamid ah Gobolada Koonfur Galbeed.

Taliye Odowaa ayaa sheegay Ciidanka Xoogga ay ku howlan yihiin sidii guud ahaan dalka looga sifeyn lahaa maleshiyada Al-shabaab iyagoo sidoo kale billaabi doonan howl-galo ku aadan furidda waddooyinka deegaannada iyo xureynta goobaha ay kaga harsanyihiin Argigixisada deegaannada Koonfur-Galbeed .

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Taliyaha uga mahadceliyey kuna bogaadiyey howlgalada ay wadaan ciidanka xoogga dalka ee lagu si feynayo Argigixisada ee ka socda guud ahaan dalka waxaana uu Xusay Madaxweynaha ay ka go’antahay sidii cadowga loogu si feyn lahaa goobaha ay kaga harsanyihiin deegaannada Koonfur Galbeed.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

2026 World Internet Conference Wuzhen Summit to Focus on AI Openness and Global Cooperation

The World Internet Conference International Organization held a press...

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...