Madaxweyne Trump oo booqday goobaha uu dabka ka kacay ee Gobolka California.

Date:

Madaxweyne Trump oo meesha ka saaray walaaca laga muujiyay dhibaatada isbedelka cimilada xilli uu booqday goobaha dabka uu ka hurayo ee gobolka California, waxaa uu saraakiisha maxaliga ah u sheegay in dabka uu soo qaboobayo.

Dabka ka kacay gobolada California, Oregon iyo Washington ayaa baabi’iyay dhul badan kaas oo ay ku naf-waayeen ugu yeraan 36 ruux tan iyo horraanta bishii August ee sanadkan.

Dadka naqdiya siyaasadda Trump ayaa sheegay in sababta dabka soo cel celisay ay tahay maamul xumo dhanka keymaha ah.

Isniintii, musharaxa xisbiga demoqraadiga Joe Biden ayaa Madaxweyne Trump ku sifeeyay uga sii daraha isbedelka cimilada.

Gobolka California ayaa ah halka uu sida weyn u saameeyay dabka iyadoo 25 ruux ugu geeriyoodeen dabkaasi.

Waaxda qaran ee cimilada ayaa digniin adag ka soo saartay dabka in uu saameyn karo gobolo kale ee Mareykanka.

Afartii sano ee Madaxweyne Trump uu xafiiska jooga waxaa soo laa laabtay gubashada keymaha gobolo badan ee Mareykanka ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda XFS oo kulan la yeeshay Wasiirka Gaadiidka Cumaan 

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda...

Sawirro: Kulan lagu heshiisiiyey beelo walaalo ah oo ku dagaalay Mudug ayaa lagu qabtay Muqdisho

26 April, Muqdisho – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo Baydhabo ku soo dhaweeyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka

Hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Dowlad Gobleedka Koonfur Galbeed, Mudane...

Guddiga Doorashooyinka oo tababar u furay howl-wadeennada ka shaqeyn doona doorashooyinka ka dhici doona Degmada Wanlaweyn

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ayaa...