Maamulka Gobolka Banaadir oo ugu baaqay bulshadiisa in ay canshuur bixiyaan si dib loogu celiyo adeeg wanaagsan.

Date:

Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Axmed Xassan Iimaan ayaa shir guddoomiyay kulan aan caadi aheyn oo looga hadlayey dar-dargelinta, sare u qaadista dakhliga Dowladda Hoose ee Xamar iyo qaadista Canshuuraha Guryaha.

Shirkaan oo ay kasoo qeyb-galeen Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Agaasimayaasha qaabilsan dakhliyada Dowladda Hoose ayaa waxaa baaq loogu diray shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in ay noqdaan Canshuur bixiyeyaal.

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa xusay  in canshuurta ay bixiyaan shacabka  dib loogu soo celin doono bilicdii Caasimada isla markaana wax looga qabto adeegyada aas-aasiga ah ee Bulshada u baahan-yihiin sida Waxbarashada, Caafimaadka, Nadaafada iyo dhismaha Kaabayaasha muhiimka ah.

     

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...