Fatahaadihii Baladweyne oo sanadkan ka hooseeya sanadkii hore.

Date:

Sanadihii uga dambeeyay waxaa si is daba joog ah u dhacayay fatahaadda Webiga shabeelle uu ka geysanayo magaalada Baladweyne. Waxaana ay fadahaaddaas saameyn dhinacyo kala duwan ah ku yeelataa bulshada.

Fatahaadihii hore wax dhaqa dhaqaaq ganacsi kama jirin magaalada iyadoo biyaha ay dul sabbeyn jireen laamiga, arrintaasi waxaa ay saameyn ku yeelatay bulsahda oo ka barakacay guryahoodii iyaga oo deegaameystay meel aan si fog uga dheereyn magaalada waxaa ay degeen ceel jaalle oo ay saldhig u tahay ciidamada Amisom ee Hiil walaal.

Sanadkan ayaa ugu curtay reer Baladweyne mid ka saameyn yar sanadkii hore iyadoo ay bulshada deegaanku ay siyaabo kala duwan qeyb uga nooqdeen dadaallo lagu dhimayay wax yeelidda biyaha ay deegaankooda. Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda deegaanka ayaa siyaabo kala duwan qeyb uga ahaa gurmadka biyaha xal loogu helayo.

culimada, wax garadka, ganacsato iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa siisku tashi ah u jideystay hannaan ay xoog iyo xoolaba ku mieynayaan, iyagoo markaasi magacaabay Guddi ka shaqeeya arrimaha Fatahaadaha oo ay laf-dhabar ka yihiin Ganacsatada degaanka iyo qurba-joogta.

Eng. Cabdirashiid Cali Cumar (Foodeey) oo ah shakhsiga gacanta ku haya arrimaha farsamada iyo xakameynta biyaha ayaa mar uu’ u warramayay Barnaamijka Falaqeynta SNTV u sheegay in haatan ay meel fiican mareyso xakameynta biyaha Webiga shabeelle.

Cabdirasiid waxaa uu sheegay in ay bixiyeen dadaallo wax ku ool ah oo dhimmay qasaaro badan oo dhici lahaa, isla markaana waxaa uu rajo wanaagsan ka muujiyay in dhawaan ay xal kama dambeys ah u heli doonaan, isagoo ugu baaqay bulshada deegaanka in ay gacan kusiiyaan shaqada ay deegaanka u hayaan.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qeybgalay Madasha Kobaca Caalamiga ah (Global Growth Forum)

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...

Wasiirka Arrimaha Gudaha oo aqoon kororsi u furay Xildhibaannada Golaha Deegaanka Gobolka Banaadir

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wafdi uu hoggaaminayo Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo gaaray degmada Diinsoor ee gobolka Baay

Hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koonfur...

Kulan looga hadlay xoojinta amniga ayaa lagu qabtay magaalada Baydhabo

Hoggaamiyaha Kumeel-gaarka ah ee Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane...