Masar oo dowr ku leh heshiis maxaabiis is-weydaarsi ah oo u dhexeeya Xamaas iyo Israel.

Date:

Madaxa Xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israa’iil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi dhinaca maxaabiista ah.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay su’aal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.

Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.

“Walaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro go’doominta saaran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israa’iil” ayuu yiri Haniya.

Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israa’iil.

Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda markii ciidamada Israa’iil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.

Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee  ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israa’iil ay kala haystaan.

Tarjume: Cismaan Caqiil

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...