Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland oo la aasay.

Date:

Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbaland axmed maxamed islaam iyo boqolaal shacabka ayaa magalada kismaayo  ka qeyb-galay dukashada salaadda janaasada allaha u naxariistee guddoomiyihii rugta ganacsiga jubbaland ahaana Xoghayihii rugta ganacsiga Soomaaliyeed  marxuum Shaafi Raabi.

Madaxweyne Axmed Maxamed islaam ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacan kusiiyaan ciidamada dagaalanka argagixisada iyo in laga hortago falalka guracan ee ay dhiiggooda ku baneysanayaan.

Malleeshiyada Al-shabaab ayaa maalintii jimcaha aheyd  qarax la beegsaday Dad rayid ah oo kasoo baxayay Masjidka qadiimiga ah ee Kismaayo, qaraxaasi oo ay ku dhinteen ku dhawaad lix qof oo uu kujiro Shaafi Raabi Guddoomiyihii Rugta Ganacsiga Jubbaland ahaana Xoghayihii guud ee Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed, iyo ardaygii kaalinta 22-aad ka galay Imtixaanka shahaadiga ah Thaabit Cabduullaahi Xasan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....