Wada-hadallada nabadda Afgaanistaan ​​oo goor dhow ka furmay Dooxa.

Date:

Magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar waxaa goordhow ka furmay wada-hadallada nabadda ee Afgaanistaan, kaasi oo ay martigalisay Qatar, waxaana tani lagu tilmaamay wada-hadallo taariikhi ah iyo tallaabo muhiim ah oo loo qaaday sidii nabad waarta looga abuuri lahaa  dalkaasi Afghanistan.

Furitaanka Wada-xaajoodyada nabadda Afgaanistaan  ayaa waxaa goobjoog ka ah Abdulla Abdulla oo ah madaxa Hay’adda Dib-u-heshiisiinta Qaranka ee Afghanistan, Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo ergeyga Mareykanka u qaabilsan dib-u-heshiisiinta Afghanistan Zalmay Khaliil zaad.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka ayaa kula kulmay magaalada Dooxa wakiilo ka socda dowladda Afghanistan maalintii ay billaabeen wada-hadallada.

Pompeo ayaa bartiisa Twitter-ka ku shaaciyay in lagu wada dhanyahay Dooxa si looga hadlo nabadeynta Afqaanistaan, taasoo uu ku tilmaamay guul u soo hoyatay Afgaanistaan, wuxuuna intaas ku daray in dadka reer Afghanistan ay mudan yihiin in ay ka nastaan dagaaladii xanuunaka badnaa ee  muddada ka socday gudaha dalkooda, wuxuuna sheegay in Dooxa uu u yimid in uu taageero dejinta khariidada waddada nabadda Afgaanistaan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Dowaladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celineyso muwaadiniin laga soo badbaadiyay biyaha Jasiiradda Madagascar

-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay socdaan dadaalo dalka...

Xoogga Dalka oo shacabka ku garab siinaya siidii looga hortagi la haa fatahaadaha wabiga Shabeelle

Ururka 294 aad guutada 29 aad daljir qeybta 27...

Wasiir Fiqi oo dib u furay Xarunta Kaydka Wasaaradda Arrimaha Dibadda

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Danjire Axmed Macallim Fiqi, ayaa shalay...

In kabadan 28 Soomaali ah oo ku geeriyooday xeebaha Madakaskar

-Safiirka Midowga Afrika u fadhiya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...