Madaxa Xafiiska siyaasadda ee dhaqdhaqaaqa wax iska caabinta Islaamka ee (Xamaas) Ismaaciil Haniya ayaa shaaca ka qaaday in Masar ay xilligan dhex-dhexaadin ka waddo Xamaas iyo Israaโiil si ay u gaaraan heshiis cusub oo ku saabsan is dhaafsi dhinaca maxaabiista ah.
Hadalkan ayaa yimid kaddib markii koox suxufiyiin ah ay Haniya wareysi kooban kula yeesheen magaalada Beyruut jimcihii shalay, waxuuna arrinkan ka dhawaajiyay mar uu ka jawaabayay suโaal ay weydiisay Wakaalladda Wararka ee Anatolia.
Haniya ayaa sheegay in Xamaas ay soo dhaweyneyso dadaallada Masar ay ku dooneyso in la gaaro heshiis cusub oo ku qotoma is-weydaarsi maxaabiis, waxayna muujiyeen in rajo wanaagsan ay ka qabaan dhankooda.
โWalaalaha Masar waxay daba gali donaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin heshiis laga gaaro goโdoominta saaran marinka Rafax, iyo isdhaafsiga maxaabiista u kala xeran Xamaas iyo Israaโiilโ ayuu yiri Haniya.
Madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas ma uusan caddeyn in wax horumar ah oo horay looga gaaray arrimaha isdhaafsiga maxaabiista ee u dhaxeeya dhaq dhaqaaqa Xamaas iyo Israaโiil.
Dhaq dhaqaaqa Xamaas ayaa xirtay afar askari oo ka tirsanaa ciidamada Yahuudda markii ciidamada Israaโiil ay qabsadeen marinka Qaza sanadkii 2014-kii.
Sida wararka ay sheegayaan Jimcihii shalay wafdi ka socday sirdoonka Masar ayaa ka amba baxay Qaza iyaga oo ku sii jeeday Talaabiib, socdaalkan ayaana qeyb ka ahaa sida la sheegay waan-waanta Masar ay hor kaceeysa ee ย ku saabsan isdhaafsiga maxaabiista Xamaas iyo Israaโiil ay kala haystaan.
Tarjume:ย Cismaan Caqiil
