Xoogga dalka oo dilay horjoogihii argagaxisada ee howlgallada Shabeellada dhexe.

Date:

Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda deggan kadib markii ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo saakay waaberigii weerar ku soo qaaday baro koontarool oo ku yaalla duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaraka ayaa sheegay in ay deggan tahay xaaladda Degmadaasi, ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kale baraha koontaroollada ee degmadaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14-ruux oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,isla markaana uu ku jiray horjoogihii u qaabilsanaa Howlgalada Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hal askari  ayaa ka dhintay ciidamada xoogga, halka uu dhaawac ka soo gaaray  dhowr qof oo rayid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha putland oo qaabilay safiirka dowladda ingiriiska ee Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi, ayaa maanta Qasriga...

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa kulan soo dhaweyn ah loogu qabtay Caasimada Helsinki ee waddanka Finland

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS Maxamed Barre Maxamuud ayaa...

Ra’iisulwasaaraha XFS oo kulan saagootin ah kula qaatay xafiiskiisa Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha QM u qaabilsanayd Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre,...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta XFS oo Tababar u furay Howl-wadeennada Warbaahinta Qaranka uga soo warama Gobollada Dalka

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta  Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi...