Xoogga dalka oo dilay horjoogihii argagaxisada ee howlgallada Shabeellada dhexe.

Date:

Xaaladda Magaalada Balcad ayaa hadda deggan kadib markii ciidamada Xoogga dalka ay ka hortageen maleeshiyaadka argagixisada Al-Shabaab oo saakay waaberigii weerar ku soo qaaday baro koontarool oo ku yaalla duleedka degmadaasi.

Guddoomiyaha Degmada Balcad Qaasim Cali Nuur oo la hadlay Warbaahinta Qaraka ayaa sheegay in ay deggan tahay xaaladda Degmadaasi, ciidamaduna ay hadda joogaan talisyadii iyo goobihii kale baraha koontaroollada ee degmadaasi.

Ciidamada Xoogga ayaa sheegay in dagaalkaasi ay ku dileen 14-ruux oo ka tirsan argagixisada Al-Shabaab,isla markaana uu ku jiray horjoogihii u qaabilsanaa Howlgalada Gobalka Shabeellaha Dhexe.

Hal askari  ayaa ka dhintay ciidamada xoogga, halka uu dhaawac ka soo gaaray  dhowr qof oo rayid ah.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wafdi ka kooban labada Aqal ee BFS Kana qayb galaya Shirweynaha 2-aad Golaha Baarlamaannada Aasiya iyo Afrika

Wafdi ka kooban labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Ayaa Maanta Kormeer Ku Tagay Xaruntii Dhexe ee Wasaaradda

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS xildhibaan Cali Yuusuf Cali...