Wasiir Maareeye oo furay dood cilmiyeed dhanka dalxiiska ah+Sawirro.

Date:

Sii hayaha xilka Wasiirka wafaafinta XFS Mudane Maxamed Cabdi Xayir (Maareeye) ayaa maanta daah-furay dood cilmiyeed ku saabsan horumarinta Dalxiiska Dalka.

Sii hayaha Wasiirka  Warfaafinta XFS, Maxamed Cabdi Xayir ayaa munaasabadda daah-furka ka sheegay in kulankan uu yahay mid hal maalin ah looguna tala-galay in looga dooda sidii loo horumarin lahaa dalka, isagoo intaa ku daray ka Wasaarad ahaan ay aad uga xunyihiin dhibaatada ay Argagixisada had iyo jeer u geestaan goobaha dalxiiska dalka.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay ka shaqeynayaan sidii loo heli lahaa sharciyo u sahlaya in maal-geliyayaashu ku dhiirradaan in Dalka ay yimaadaan, islmarkaana ay maalgashi ku sameeystaan goobaha Dalxiiska.

“Maanta dalxiis badan ayaa loo yimaadaa waana amaanayaa dhammaan goobaha dalxiiska dalka oo ay ugu horreeyaan kuwa Gobolka Banaadir, waxaannu ka shaqeyneynaa sidii dalxiiska dalka loo horumarin lahaa, annaga ka Wasaarad ahaan waxaan diyaar u nahay in aan idin caawinno idinku dhiiro-galino howlahiinna dalxiiska dalka’ ayuu yiri Wasiirku.

Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa  dhowaanahan wadday dedaallo lagu dardar gelinayo dib usoo nooleynta dalxiiska dalka oo meesha ka baxay wixii ka dambeeyay 1991-dii.

 

      

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

WAFDI UU HOGGAAMINAYO GUDDOOMIYAHA HAY’ADDA SODMA OO GAARAY MAGAALADA BELEDWEYNE

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin...

MUDANAYAASHA GOLAHA SHACABKA OO KA DOODAY HINDISE SHARCIYEEDKA ISKAASHIGA GARSOORKA CAALAMIGA AH

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo kulan la Yeeshay Wakiilka Cusub ee Hay’adda WHO ee Soomaaliya

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah...

HOGGAAMIYAHA KOONFUR GALBEED OO AQALKA MADAXTOOYADA KU QAABILAY ODEYAASHA DHAQANKA KOONFUR GALBEED SOOMAALIYA.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...