Waaxda gurmadka deg degga ah oo ku guuleysatay daminta dab ka kacay Hotelka Royal Palace[Sawirro]

Date:

Waaxda Gurmadka degdegga ayaa ku guuleystey daminta dab ka kacay Hoteelka Royal Palace ee ku yaala Degmada C/casiis ee Gobolka Banaadir.

Howlwadeennada Waaxda Gurmadka degdega ah oo gaarmay markii lagu soo wargeliyay dabka ka kacay Hotelka ayaa durba ku guuleystay inay damiyaan.

Agaasimaha Waaxda Gurmadka ayaa sheegay in dabka uu dhaliyey qasaare balse ay ka hortegeen in uu ku faafo hotelka intiisa kale, isagoo intaa ku daray in shan shaqaale ah oo ka mid ah gurmadka degdeg ah ay dhaawacyo ka soo gaareen intii ay ku howlanaayeen gudashada waajibaadka loo igmaday, kuwaasi oo uu Alle uga baryay inuu u boog dhayo..

Waxa kale oo goobta gaarey Gudoomiyaha Degmada C/casiis iyo Taliska Saldhigga oo Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Waaxda Gurmadka degdeg ah ay uga mahadcelinayaan sida ay ugu soo jawaabeen arrinta oo ayna ku guuleysteen inay damiyaan dabka.

Ilaa iyo hadda lama oga waxa sababay dabka, balse waxaa jirta qasaare hantiyadeed oo uu geystay dabka.

 

 

       

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Hawlaha Guud XFS oo safar shaqo ku jooga Nairobi ayaa la kulmay madaxda Bangiga Aduunka

Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib u dhiska & Guriyeynta...

Xamarweyne,Boondheere iyo Shibis oo saakay looga dareeray diiwaangelinta codbixiyaasha

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka gaar ahaan Degmooyinka Xamarweyne,...

Safiirka Soomaaliya ee dalka shiinaha oo Ka Qayb gashay Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Luqadda Shiinaha

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Shiinaha, Dr. Hodan Osman...

Ciidanka Daraawiishta Puntland oo fashiliyey weerar khawaarijta Daacish ku soo qaadeen fariisimo Ciidanka ku lahaayeen buuraha G/Bari

Ciidanka Daraawiishta dowlad gobolleedka Puntland ayaa aroornimadii hore ee...