Cudurka COVID-19 oo ku soo roogaal celiyay Turkiga.

Date:

Turkiga ayaa wajahaya labo kacleyn cusub ee safmarka COVID-19-ka ah, sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Fahrettin Koca, iyadoo dowladdu soo rogtay xayiraado hor leh oo lagu xakameynayo cudurka sida xafladaha aroosyada iyo goobaha kale ee bulshada isugu timaado.

Wasaaradda caafimaadka ayaa shalay sheegtay in kiisaska cusub ay gaarayaan 1,596, iyadoo 45 qof ay u dhinteen safmarka.

Koca ayaa saxaafadda la hadlay ka dib markii uu soo dhammaaday kulan uu kula lahaa magaalada Ankara koox dhakhaatiir ah, waxaa uu sheegay in tirada cudurka si deg deg ah u kordhayso.

“Waxaa na heysata iminka wajigii labaad ee safmarka COVID-19. Taxadir la’aanta xafladaha aroosyada, goobaha cibaadada ayaana sabab u ah halka aan maanta joogno,” Koca ayaa sidaa yiri, laakiin waxaa uu intaas raaciyay in xukuumadda xilligan qorshaha ugu jirin in ay soo rogto xayiraad cusub.

Hadalka wasiir Koca, ka dib xukuumadda ayaa soo saartay xayiraad lagu xadidayo tirada dadka ka qeybgalaya xafladaha aroosyada, joojinta meelaha laga cunteeyo iyo meelaha kale ee dadweynaha isugu yimaadaan.

Dhakhaatiirta iyo ururada caafimaadka Turkiga ayaa sheegaya in isbitaalada buux dhaafeen. Iyadoo maayarada magaalooyinka Istanbul iyo Ankara xukuumadda ku dhaliileen in ay hoos u dhigayso saameynta safmarka COVID-19.

Tirada dhimashada cudurka COVID-19 ee Turkiga ayaa meesha ugu sareysay waxay gaartay bartamihii bishii May, iyadoo kiisaska cusub ee cudurkay kordheen bartamihii bishii Juun, waxayna dowladda khafiifisay xayiraadka dhammaadka iska bishaas.

Kiisaska COVID-19 ee Turkiga ayaa hadda maraya 273,301, sida wasaaradda caafimaadku sheegtay halka dhimashada ay tahay 6,462.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...