Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo kulan la qaatay maamulka Safaaradda Talyaaniga ee Soomaaliya.

Date:

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobolleedka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa sheegay  in kulan muhiin ah uu Muqdisho kula qaatay Safiir ku xigeenka Dowladda Talyaaniga ee Somaaliya H.E Fabio Massimo Ballerini.

Dhinacyadaasi waxay kulankaasi diiradda ku saareen xoojinta wada shaqeynta, sare u qaadidda amniga iyo dardar galinta mashaariicda horumarineed ee ay waddo dowlada Talyaaniga.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa bogaadiyey shaqada weyn oo ay qabteen hoggaanka cusub ee Safaaradda isagoo ballanqaaday in Galmudug si dhow ula shaqeyn doonto.

Safiir ku xigeenka ayaa boogaaadiyay guulaha muhiimka ah ee ay ku tallaabsadeen maamulka Galmudug, wuxuuna kula dardaarmay in halkaasi laga sii wado dadaalka loogu adeegayo bulshada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhoweeyey Danjiraha Talyaaniga

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,...

Madaxweynaha oo ka qaybgalay Salaadda Janaasadda AUN Marxuun Iimaan Maxamed Yuusuf

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo ka qaybgalay aqoon-is-weydaarsi Amniga, Xasilinta iyo Xalalka Waara

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Meydka Marxuum Imaam Maxamed Yuusuf oo lagu aasayo Ceel- Cirfiid

Maanta ayaa lagu wadaa in lagu aaso Meydka Marxuum...