Natiijada Imtixaankii Dugsiyada sare oo dhawaan la shaacin doono.

Date:

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Bare oo ka hadlayay kulanka sanadlaha ee Wasiirka iyo ardyada Soomaaliyeed ayaa sheegay in bilaawga todobaadka soo socdo ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ah ee imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare ee dalka ,waxuuna uu sidoo kale sheegay inuu imtixaanka ka duwanaa kuwii hore ee u soo qabteen maadaama dalka uu ka jiray saameynta cudurka Covid-19.

Qaar ka mid ah ardayda ku sugnaa kulanka ayaa su,aalo weydiiyay, kuwaasi oo ku aadan tayaynta waxbarashada dalka.

Sii-hayaha wasiirka wasaaradda waxbarshada mudane Cabdullaahi Goodax Bare ayaa sidoo kale ka hadlay Manhajka waxbarashada oo dowladda Juhdi farabadan galisay waxaana uu sheegay in ardayda danyarta la siindoono buugaagta manhajka si ay u helaan fursadooda

In ka badan 34-kun oo ardyad ayaa u fariisaneysa imtixaankii shahaadiga ah ee dowladda, kaasi oo ay qaaday wasaaradda waxbarashada dalka 18-kii bishii julay ee sanadkaan waxaana lagu qabtay 112 xarumood oo ku kala yaalla Muqdisho iyo magaalooyinka waa-wayn ee gobollada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda oo kormeer ku sameeyay Ciidamo loo diyaariyay Xuska Todobaadka Xorriyadda

Guddiga Qaranka ee Qabanqaabada Maalmaha Xorriyadda iyo Midnimada, oo...

Wasiirka Arrimaha Dibadda oo Kulan la Qaatay Wasiir-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Dalka Qadar

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee...

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...