Golaha ammaanka QM oo muddo kordhin u sameeyay Xafiiska UNSOM.

Date:

Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa fadhi gaar ah oo ay yeesheen waxaa ay kaga hadleen muddo kordhinta Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa Cod aqlabiyad ku ansixiyay in hal sano oo kale loogu daro Xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, waxaana muddo xileedkooda ay sii wadi doonaan illaa 31-ka Bisha Agoosto 2021.

“Qoraarka tirsigiisu yahay 2540 oo ay Golaha Ammaanka ee QM wada aqbaleen waxa uu ka codsanayaa Howlgalka UNSOM inay sii wadaan, siina xoojiyaan joogitaankooda gudaha Soomaaliya iyo dhammaan Dowlad gobaleedyada xubnaha ka ah Fedeeralka Soomaaliya” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Golaha Ammaanka.

Xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa looga mahadceliyay taageerada ay siiyaan Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan arrimaha doorashooyinka oo la filayo in dalka ay ka dhacaan dhammaadka Sanadkaan 2020/2021.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...