Mid ka mid ah Malleeshiyada Al-shabaab oo isku dhiibay maamulka Gobolka Baay.

Date:

Maxamed Cabdi Xasan, oo ka tirsan maleeshiyaadka argagaxisada ah ee Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay maamulka degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha ka howlgala Gobolkaasi.

Maamulka iyo saraakiisha ciidanka ee degmada ayaa soo dhoweeyay ninkaasi ka tirsanaa Al-shabaab oo sidoo kale la soo baxsaday hubkii uu ku howlgali jirey intii uu kamid ahaa kooxda nabad diidka.

Maxamed waxaa uu ka howlgali jirey degaannada hoostaga degmada Qansax-dheere, wuxuuna hadda go’aansaday in uu ka haro isla markaana ka faa’ideysto cafiska Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya uu u fidiyay maleeshiyaadka ka tirsan kooxaha argagaxisada ah.

Muddooyinkan dambe, waxaa isa soo tarayay maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku soo biiraya shacabka, iyadoo arrintaas khubarada dhanka amniga ay ku faaleeyeen in ay sababtu tahay ciidanka oo kordhiyay howlgalada ka dhanka ah argagaxisada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga Dalka goor oo dib ula wareegay deegaanka Sumadaale

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goordhow howlgal qorsheysan dib...

Guddoomiyaha Midowga Afrika iyo Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya oo Addis Abab kulan ku yeeshay

El Hadji Ibrahima Diene, Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha...

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo gaaray Addis Ababa

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga CaalimiganMudane Abdisalam Cali, ayaa...

Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray shirka banbaxa Golaha Wasiirrada

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...