Dhagarqabihii laayay Muslimiintii New-zealand oo xabsi daa’in lagu xukumay.

Date:

Maxkamadda sare ee dalka dalka New Zealand ayaa saaka xabsi daa’in aan damiin lahayn ku xukuntay Brenton Tarrant, oo sanadkii hore Muslimiin fara-badan ku laayay dalkaasi.

Brenton Tarrant ayaa 51 qof oo Muslimiin ahaa ku dilay laba Masaajid oo ku yaala Magaalada Christchurch ee dalka Newzealand, 15-kii bishii March ee sanadkii 2019. Ka hor inta aan xukunkiisa lagu dhawaaqin ayuu Garsooraha Maxkamadda dhageystay doodihii iyo eedaymihii dacwad-oogaha maxkamadda iyo qareenkii difaacayay.

Mark Zarifeh, Garsooraha Maxkamadda ayaa ku dhawaaqay xukun xabsi daa’in ah oo maxkamaddu ku riday Brenton Tarrant ,oo haysta dhalashada dalka Australia,garsooraha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jiri doonin dammaanad ninkaasi xabsiga looga sii daayo, xitaa haddii ay noqoto waxa uu ugu yeeray sii deyn-sharafeed, noloshiisa inta ka dhimanna xabsiga ayuu ku dhameysan doonaa.

Dadkii uu Masaajidka ku laayay.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...

Baaq-nabadeed oo laga soo saaray xaaladda Aricadeeye

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Xukuumadda...

Soomaaliya oo garab istaag u muujineysa Dowladda Qatar

War-saxaafadeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa garab...