Kulan ku saabsan baraarujinta Waalidiinta oo lagu qabtay Muqdisho.[Sawirro]

Date:

Kulan ay soo agaasintay Xaruunta Gurya-samo oo ka shaqeysta horumarinta qoyska ayaa diiradda lagu saaray sidii Waalidiinta loogu baraarujin lahaa ka warqabka caruurtooda si uu u hagaago mustaqbalkooda, isla markaana uga nabad galaan qataraha dhinacyada  badan oo ay la kulmaan sida isticmaalka maandooriyaha, iyo ka shaqeynta faldambiyeedyada iyo arrimo ku saabsan anshaxa oo ay ka midyihiin baadiyeynta iyo ceebeynta hablaha Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala kulma  dhalinyarada qaar kamid ah  oo halis ku ah nolosha iyo mustaqbalkooda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleyn qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waalidiinta iyo masuuliyiintii goobta ka hadlay waxey ku dheeraadeen dhibaatada ay dhalinyarada ka dhaxlaan maandooriyaha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta sharafta gabdhaha Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in hal meel looga soo wadajeesto sidii loo badbaadin lahaa mustqbalka dhalinyarada oo ubad dhaxaad u ah horumarka dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa si adag uga hadlay dhibaatada uu maandooriyaha ku hayo dalka iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Gabagabadii waalidiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo qeybgashay kulanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codasaday inay xakameyso oo ay gacan adagna ku qabato dadka dalka soo galiya maandooriyaha iyo kuwa ka ganacsada intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Warfaafinta XFS  oo la kulmay Wakiilka cusub ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac,...

Madaxweynaha JFS oo amray in ciidamadii ka tallaabay xuduudda ay dib ugu soo laabtaan dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Howlgal culus oo ka dhan ah Khawaarijta oo laga fuliyey qeybo ka mid ah Gobolka Hiiraan

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya saaxiibada caalamiga ah,...

Habkee u shaqeysaa xarunta soo dhoweynta iyo daryeelka dadka dalka ku soo laabanaya?

Ku-xigeenka Xoghayaha 2-aad ee Safaaradda Sweden, David Kollberg, iyo...