Kulan ku saabsan baraarujinta Waalidiinta oo lagu qabtay Muqdisho.[Sawirro]

Date:

Kulan ay soo agaasintay Xaruunta Gurya-samo oo ka shaqeysta horumarinta qoyska ayaa diiradda lagu saaray sidii Waalidiinta loogu baraarujin lahaa ka warqabka caruurtooda si uu u hagaago mustaqbalkooda, isla markaana uga nabad galaan qataraha dhinacyada  badan oo ay la kulmaan sida isticmaalka maandooriyaha, iyo ka shaqeynta faldambiyeedyada iyo arrimo ku saabsan anshaxa oo ay ka midyihiin baadiyeynta iyo ceebeynta hablaha Soomaaliyeed oo dhibaatooyin kala kulma  dhalinyarada qaar kamid ah  oo halis ku ah nolosha iyo mustaqbalkooda.

Kulanka oo ay ka qeybgaleyn qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waalidiinta iyo masuuliyiintii goobta ka hadlay waxey ku dheeraadeen dhibaatada ay dhalinyarada ka dhaxlaan maandooriyaha iyo sida ay lagama maarmaan u tahay ilaalinta sharafta gabdhaha Soomaaliyeed, iyagoo ku baaqay in hal meel looga soo wadajeesto sidii loo badbaadin lahaa mustqbalka dhalinyarada oo ubad dhaxaad u ah horumarka dalka.

Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaaliyeed Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Nabadoon Maxamed Xasan Xaad ayaa si adag uga hadlay dhibaatada uu maandooriyaha ku hayo dalka iyo sida ugu haboon ee looga hortagi karo.

Gabagabadii waalidiinta iyo mas’uuliyiinta kasoo qeybgashay kulanka ayaa Dowladda Soomaaliya ka codasaday inay xakameyso oo ay gacan adagna ku qabato dadka dalka soo galiya maandooriyaha iyo kuwa ka ganacsada intaba.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...