Dowladda Nigeria oo aqbashay Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona dalkaasi.[Sawirro]

Date:

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa si rasmi ah uga guddoomay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ee safiirka Soomaaliya u fadhiya dalkaasi Danjire Jamaal Maxamed Barrow.

Munaasabad kooban oo ka dhacday xarunta Madaxtooyada dalkaasi Nigeria ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Safiirka Soomaaliya u magacowday dalkaasi  Danjire Jamaal Maxamed Barrow, ayada oo ciidamada Qaranka wadanka Nigeria uu ka qaatay salaam sharafeed gaar ah.

Intaasi kadib Madaxweynaha Nigeria Muhammadu Buhari ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Nigeria Ambassador Jamaal Maxamed Barrow, isagoo xusay inay xoojin doonaan xiriirka ka dhexeeya Labada dal.

Dalalka Soomaaliya iyo Nigeria ayaa xariir qoto dheer hore ugu lahaa, waxaana burburkii dalka kaddib uu ahaa mid gaabis uu ku yimid maadaama dowladii dhaxe ee dalka ay meesha ka baxday.

Dowladda Soomaaliya ayaa dib u soo celisay xariirka kala dhaxeeya dowladda Nigeria oo ka mid ah wadamada ugu horreeya Qaaradda Afrika, waxaana Danjire Jamaal Maxamed Barrow horyaala howlo badan oo ah kor u qaadista xariirka labada dowladood iyo soo nooleynta iskaashiga dhaqan dhaqaale ee labada wadan.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo galay maalintiisa afaraad.

Shirweynaha 3-aad ee Culimada Soomaaliyeed oo ka socda magaalada...

NISA oo gacanta ku dhigtay shabakad Khawaarij ah oo ka Kooban 11 dhagar-qabe.

War-saxaafadeedka. Muqdisho, 27 Nofeembar 2025 Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda...

Duqa Muqdisho oo ka qeybgalay doorashada Xoghayaha Ururka Magaalooyinka Carabta.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada ee Aqalka Sare oo kormeer ku tagay Hay’adda SoDMA.

Guddiga Horumarinta adeegga Bulshada, arrimaha bani'aadanimada, warfaafinta iyo dhaqanka...