Safaaradda Soomaaliya ee South Africa oo dalka kusoo celisay muwaadiniin ku xanibnaa dalkaasi.[Sawirro]

Date:

Safaaradda Soomaaliye ee Koonfur Afrika ayaa dalka dib ugu soo celisay muwaadiniin ay tiradooda gaarayso 49 qof oo isugu jira dhallinyaro, Hooyooyin iyo carruur, kuwaas oo ku xanibnaa dalkaasi kaddib markii Dowladda Koonfur Afrika saartay bandow, ayadoo wali ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

Muwaadiniintan oo doonayay inay dalkooda dib ugu laabtaan ayaa ku xayirnaa dalkaas tan iyo intii uu billowday cudurka COVID-19, waxayna Dowladda Koonfur Afrika gebi ahaanba joojisay bisha March ee sanadkan safarrada lagu aadi jiray Adduunka,marka laga reebo muwaadiniinta dalkooda dib ugu laabanaya.

Dadkan ayaa ka mahadceliyay gurmadka ay Safaaradda Soomaaliya ee Koonfur Afrika ay sameysay, waxaana ay sheegeen in Safaaradda  qeyb weyn ka qaadatay dib ugu celinta dalkooda.

Dalka Koonfur Afrika waxa uu ka mid yahay dalalka sida ba’an u saameeyay cudurka COVID-19, waxaana wali saarran xiyaarad inkastoo todobaadkii hore la qafiifiyay iyadoo ay xiranyihiin xuduudaha dalkaasi.

 

 

            

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Amniga Gudaha Federaalka oo tababar u soo xiray gabdho ka tirsan Ciidanka Boliiska.

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdullaahi Sheekh...

Kulanka Goblaha Wasiirrada oo looga hadlay doorashada Golaha Deegaanka ee gobolka Banaadir.

Muqdisho, Khamiis, 18 Diseembar 2025:-Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka...

Ciidanka Danab iyo MU oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose.

Ururka 161-aad ee Ciidanka Kumaandooska Danab oo kaashanaya cutubka...

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya oo soo bandhigtay Waxqabadka Sannadka 2025.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa...