AMISOM oo xarumo waxbarasho ka hirgelisay degaanka Hosingow ee Gobolka Jubbada hoose.

Date:

Saraakiisha AMISOM ee ku sugan Jubbaland ayaa maamulka Dugsiga hoose ee degaanka Hosingow ku wareejiyay Saddex Fasal oo ay dayactir iyo dib u dhis ku sameeyeen Ciidanka Kenya ee qaybta ka ah howlgalka midowga Afrika ee Soomaaliya.

Taliyaha qeybta Labaad ee AMISOM, Sarreeye Guuto; Paul Njema ayaa sheegay in go’aankan uu yimid markii ay Dadka degaanka ka codsadeen howlgalka midowga Afrika in laga taageero dhanka waxbarshada xilli ay booqasho ku tageen Hosingow Bishii May ee Sanadkan.

Janaraal, Njema ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in ay tallaabadan horseedi doonto taageero iyo wada shaqayn dhex marta Bulshada iyo AMISOM, taas oo uu sheegay in ay xoojin doonto nabadda iyo ammaanka degaanka.

Guddoomiyaha degaanka Hosingow, Abdulkadir Omar Shire ayaa ugu mahadceliyay AMISOM taageerada waxbarasho ee ay u fidisay Bulshada Hosingow, wuxuuna ka codsaday midowga Afrika in ay ka caawiyaan dhismaha Dugsi sare oo uu degaanku yeesho.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Qaramada Midoobey oo kala saxiixday Hagaha Ilaalinta Carruurta ee 2025.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta kala...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sucuudiga ee Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane...

Dowlad Goboleedka KGS oo ku dhawaaqday xaalad bani’aadanimo oo degdeg ah. 

Wasaaradda Arrimaha Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka ee Dowlad-goboleedka Koonfur...

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka oo ka hadlay daabulidda qalabka codbixinta.

Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka, Mudane Cabdikariin Axmed Xasan, ayaa...