Munaasabad loo sameeyay Taliyeyaal xil isku wareejinaya.”Sawirro”

Date:

Munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan Taliyaha cusub ee guutada 5-aad qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka gobolka Hiiraan, korneyl,  Maxamuud Xasan Ibraahin “Baakaay” iyo Taliyihii hore ee guutada, Faarax Cali Waasuge “Kooshin” ayaa hadda ka socta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa xilka la wareegaya Taliye ku xigeenka guutada 5-aad qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan G/le Dhexe Cabdullaahi Barre Cilmi oo bedelaya G/le sare Maxamed Cabdi Xasan oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee guutada 5-aad.

Taliyihii hore ee guutada 5-aad qeybta 27-aad oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri”Waxaan ku faraxsanahay inaan si sharaf leh u wareejiyo xilka,waana ku soo dhaweynaa saraakiisha cusub ee la magacaabay”.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah maamulka gobalka Hiiraan,saraakiisha AMISOM, saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Danab oo deegaanka Towfiiq ku qabtay laba dhagar-qabe

Ciidamada Kumaandooska Danab ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa...

Soomaaliya oo u Diyaargarowday Xuska Maalinta Caalamiga ah ee Xuquuqul Insaanka

Soomaaliya waxa ay si weyn ugu diyaargarowday xuska Maalinta...

Guddiga Doorashooyinka Qaranka oo Faahfaahiyay Horumarka Geeddi-socodka Doorashada Degmooyinka Banaadir

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha (GMDQS),...

Warbixin: Muhiimadda Weyn ee Hannaanka Dawladnimo ee Hanaqaaday

Waxaa hubaal ah in su’aasha ah “Wax dhaama dawladnimada...