Munaasabad loo sameeyay Taliyeyaal xil isku wareejinaya.”Sawirro”

Date:

Munaasabad ay xilka kula kala wareegayaan Taliyaha cusub ee guutada 5-aad qeybta 27-aad ciidanka xoogga dalka gobolka Hiiraan, korneyl,  Maxamuud Xasan Ibraahin “Baakaay” iyo Taliyihii hore ee guutada, Faarax Cali Waasuge “Kooshin” ayaa hadda ka socta magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale waxaa xilka la wareegaya Taliye ku xigeenka guutada 5-aad qeybta 27-aad ee gobolka Hiiraan G/le Dhexe Cabdullaahi Barre Cilmi oo bedelaya G/le sare Maxamed Cabdi Xasan oo ah Taliye ku xigeenkii hore ee guutada 5-aad.

Taliyihii hore ee guutada 5-aad qeybta 27-aad oo ka hadlay munaasabadda ayaa yiri”Waxaan ku faraxsanahay inaan si sharaf leh u wareejiyo xilka,waana ku soo dhaweynaa saraakiisha cusub ee la magacaabay”.

Munaasabadda waxaa goobjoog ka ah maamulka gobalka Hiiraan,saraakiisha AMISOM, saraakiisha ciidanka qalabka sida iyo masuuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Xaquuqul Insaanka Qaranka oo war ka soo saaray dhacdo ka dhacday Jubbada Hoose

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa...

Wasaaradda Shaqada fariin u dirtay shaqaale waynaha Soomaaliyeed

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha...

Liiska xubnaha ku guuleystay Golaha Wakiilada K/Galbeed oo la shaaciyay

Guddiga Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha Soomaaliya ayaa...

Wasiirka Warfaafinta oo kulan miro dhal ah la qaatay Danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...