Malleeshiyada Al-shabaab oo jab xooggan lagu gaarsiiyay dagaal ka dhacay Buuraleyda Galgala.

Date:

Dowlad goboleedka Puntland ayaa faahfaahin ka bixisay dagaal geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo maleeshiyad Al-shabaab iyo ciidanka Puntland ku dhex maray buuraleyda Galgala ee gobolka Bari.

Taliyaha qeybta booliska gobolka Bari G/le Xuseen Cali Maxamuud ayaa sheegay in dagaalkaasi lagu dilay 10 ka tirsan argagaxisada Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay nolosha ku qabteen maleeshiyaadkii isku dayay in ay weeraraan ciidanka Puntland, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in cadaaladda la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Weerarkaan ayaa maleeshiyada Al-shabaab waxaa ka soo gaaray jab xooggan oo isugu jira dhimasho,dhaawac iyo dad nolosha looga qabtay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo khadka taleefoonka kula hadlay dhiggiisa Singapore. 

Mudane Cabdisalaam Cabdi Cali, Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

18 Khawaarij ah oo lagu dilay howlgal qorshaysan oo laga fuliyay Saakow.

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya saaxiibada caalamka, gaar...

Guddoomiyaha Sh/Dhexe oo gaaray Wargaadhi kadib jabkii Khawaarijta.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellada Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur iyo Taliyaha...

Taliyaha Ciidanka Dhulka oo kormeer uga tagay Ciidamo ku sugan Matabaan.

Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Janaraal Sahal...