Joe Biden oo Xisbigiisa u caleema saaray doorashada soo socota ee Maraykanka.

Date:

Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay, in Joe Biden uu yahay musharraxooda doorashada madaxtinmada Mareykanka ee dhici doonta 3-da bisha November.

Xisbiga dimoqraadiga ayaa musharraxnimada Biden uga dhawaaqay habeenkii labaad shirweynahooda oo sannadkaan marki ugu horreysay ay ergada uga qeybgalaysa hab maqal iyo muuqaal ah oo internerka la soo dhexmarsiinayo, sababo la xiriira Covid19.

Dadkii shirka xalay ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, Jill Biden oo ah marwada Joe Biden,dadka kale ee magaca ku dhex lex xisbiga dimoqraadigga ee shirweynaha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Jimy Carter iyo Bill Clinton, Alexandria Ocasio Cortez oo ah xildhibaanad saameyn leh oo ka tirsan aqalka wakiilada lagana soo doorto New York, iyo John Cary xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo dhagax dhigay Xarunta Horumarinta Manaahijta waxbarashada dalka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Safiir Soomaaliya u magacowday Kirgistaan oo gudbiyey waraaqaha aqoonsiga

Danjire Fatxudiin Cali Ospite ayaa maanta si rasmi ah...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo daah furay xarunta dhaxe ee Wasaaradda Tamarta 

Muqdisho, Talaado, 21 Abriil 2026: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda...

Soomaaliya oo ka qayb gashay Kalfadhigii ugu Guddiga Fulina Hay’adda UN-Habitat

Kalfadhigii ugu horreeyay ee Guddiga Fulinta ee UN-Habitat ee...