Joe Biden oo Xisbigiisa u caleema saaray doorashada soo socota ee Maraykanka.

Date:

Xisbiga dimuqraadiga ee dalka Maraykanka ayaa xalay si rasmi ah ugu dhawaaqay, in Joe Biden uu yahay musharraxooda doorashada madaxtinmada Mareykanka ee dhici doonta 3-da bisha November.

Xisbiga dimoqraadiga ayaa musharraxnimada Biden uga dhawaaqay habeenkii labaad shirweynahooda oo sannadkaan marki ugu horreysay ay ergada uga qeybgalaysa hab maqal iyo muuqaal ah oo internerka la soo dhexmarsiinayo, sababo la xiriira Covid19.

Dadkii shirka xalay ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, Jill Biden oo ah marwada Joe Biden,dadka kale ee magaca ku dhex lex xisbiga dimoqraadigga ee shirweynaha ka hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa, madaxweynayaashi hore ee Mareykanka Jimy Carter iyo Bill Clinton, Alexandria Ocasio Cortez oo ah xildhibaanad saameyn leh oo ka tirsan aqalka wakiilada lagana soo doorto New York, iyo John Cary xoghayihi hore ee arrimaha dibadda Mareykanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dhallinyarada oo kulan la qaatay wakiilka Hay’adda Qaramada Midoobay ee (UNFPA)

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Mudane Maxamed Cabdulqaadir Cali,...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo gargaar daawooyin ah ku wareejiyay Maamulka Isbitaalka Ciidanka Xooga

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Maxamed...

Dagmooyinka Xamarwayne, Shibis iyo Boondheere waxaa maalintii 2-aad kasocda diiwaangalinta Codbixiyaasha

Waxaa maalintii labaad Dagmooyinka Xamar wayne, Shibis iyo Boondheere...