Dadaallo lagu xirayo goobaha uu ka fataho webiga oo ka socda Beledweyne.

Date:

Guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan iyo Culimaa’udiin ka tagey magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa maanta kormeeray goobaha laga cabsida qabo in uu fatahaado ka sameeyo webiga Shabeelle.

Guddoomiyaha guddiga xalka waara ee fatahaadaha gobolka Hiiraan, Xaaji Cismaan Dhagaxow ayaa culimada uga mahadceliayay safarka dheer ay usoo galeen in ay indho indheeyaan meelaha ugu darran  ee webigu fatahaada ka sameeyo si looga xiro,wuxuuna tilmaamay in ay wadaan isku dayo lagu xirayo goobaha ugu waaweyn oo kala ah Hilikilyo, Qooqane iyo Guryo-Cadde.

Sheekh C/risaaq Macalin oo kamid ah culimada ka tegay magaalada Muqdisho ayaa bulshada Muslimiinta ugu baaqay in ay gacan ka geystaan sidii loo xiri lahaa goobaha webigu uu ka fataho, isagoo sheegay in culimadu ay u yimaadeen sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen dadaallada socda.

Culimadaan oo shalay gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa qeyb ka ah dadaallo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda federaalka ay ugu jiraan sidii looga qeyb qaadan lahaa xiritaanka goobaha uu fatahaada  ka sameeyo webiga Shabeelle ee mara Beledweyne,halkaas oo shacab badan sannad kasta ay ka barakacaan guryahooda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan ku aadan xoojinta adeegyada gurmadka oo Muqdisho ka dhacay

Guddiga Qaran ee gurmadka ayaa maanta shir ku yeeshay...

Wasiirka amniga oo qaabilay wafdi ka socda Qaramada Midoobay

Wasiirka wasaaradda amniga gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane...

Ciidanka Danab oo howlgallo ka fuliyay Shabeellada hoose

Ciidamada Kumaandooska Danab ee CXD ayaa xalay fuliyay hawlgal...

Duqa muqdisho oo la kulmay laamaha ammaanka ee gobolka Banaadir

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada muqdisho mudane Dr....