Saldhigga Dhuusamareeb oo dib loogu dhisayo isxiqaan.

Date:

Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug Sareeye guuto Bishaar
Abshir Geedi ayaa maanta daahfuray dhismaha Saldhigga Booliiska ee xarunta Galmudug ee Dhusamareb oo lagu dhisayo is-xilqaan.

Taliye Bishaar ayaa ku yaboohay lacagtii ugu horreysay ee uu gacan kaga gaysanayo dhismaha saldhigga Dhuusamareeb oo mudda dheer aan wax dayactir ah helin, dhanka kale ciidamada Booliiska sadhigga ayaa saaka subaxnimadii hore Saldgigga ka billaabay howlo nadaafadeed oo dhinac soconaya dhismaha.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Galmudug ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha saldhigga oo si is xilqaan ah lagu dhisayo dhamman qaybahii uu ka koobnaa Saldhigga.

Taliska Booliiska qaybta Galmudug ayaa wada dadaal dheeri ah iyo sidii dib u dayactir iyo qaabayn loogu samayn lahaa saldhigyada iyo xarumihii ciidanka Booliiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasaaradda Gaashaandhigga oo war kasoo saartay duqaymo laga fuliyay Shabeellaha Dhexe

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa...

Wasiirka Caafimaadka oo ka qeybgalay shirweynaha wax ka qabashada cudurada aan faafin

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiirka Warfaafinta oo Wasaaradda ku soo dhaweeyay Ku-simaha Safiirka Dowladda Liibiya u jooga Soomaaliya

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xukuumadda Jamhuuriyadda...