Saldhigga Dhuusamareeb oo dib loogu dhisayo isxiqaan.

Date:

Taliyaha Qaybta guud ee Booliiska Galmudug Sareeye guuto Bishaar
Abshir Geedi ayaa maanta daahfuray dhismaha Saldhigga Booliiska ee xarunta Galmudug ee Dhusamareb oo lagu dhisayo is-xilqaan.

Taliye Bishaar ayaa ku yaboohay lacagtii ugu horreysay ee uu gacan kaga gaysanayo dhismaha saldhigga Dhuusamareeb oo mudda dheer aan wax dayactir ah helin, dhanka kale ciidamada Booliiska sadhigga ayaa saaka subaxnimadii hore Saldgigga ka billaabay howlo nadaafadeed oo dhinac soconaya dhismaha.

Dhinaca kale Taliyaha ayaa bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan shacbiga Galmudug ugu baaqay inay ka qaybqaataan dhismaha saldhigga oo si is xilqaan ah lagu dhisayo dhamman qaybahii uu ka koobnaa Saldhigga.

Taliska Booliiska qaybta Galmudug ayaa wada dadaal dheeri ah iyo sidii dib u dayactir iyo qaabayn loogu samayn lahaa saldhigyada iyo xarumihii ciidanka Booliiska.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Dekadaha XFS oo ka qeybgalaya shirka 34-aad ee Golaha Hay’adda Baddaha Adduunka.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda XFS, Cabdulqaadir Maxamed Nuur,...

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Muqdisho ka furtay mashruuca Codka iyo Hoggaaminta Haweenka.

Wasiirka Wasaaradda Qoyska Iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb...

Ra’iisul Wasaare Xamsa oo magaalada Rabat kula kulmay dhiggiisa dalka Morocco.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta oo Booqday Xarunta Dhexe ee Warbaahinta Malaysia.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS,...