Qarax Dad shacab ah ay ku dhinteen oo ka dhacay Beledweyne.

Date:

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax uu ka dhacay afaafka hore ee garoonka kubadda Cagta magaaladaasi.

Sida ay ku soo waramayaan wariyeyaasha warbaahinta Qaranka ee gobolka Hiiraan, khasaaraha horudhaca ah ee qaraxaasi ka dhashey ayaa la sheegay  in uu yahay geerida  inta la ogyahay 3 qof ,iyadoo ay jiraan dad kale oo ku dhaawacmay.

Qaraxaan oo nuuciisu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa lagaliyay bannaanka hore ee  Garoonka ciyaaraha kubadda Cagta oo maalmahan ay ka socdeen tartamo sporti.

Saraakiil iyo ciidamada ammaanka ayaa goobtaasi tagay,waxaana durba billowday baaritaanno ku aadan ammaanka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Kulan looga hadlaayay ka jawaabidda Saamaynta Roobabka oo lagu qabtay Muqadisho.

Gudoomiyaha Hay’adda Qaxootiga iyo Barakacyaasha Qaranka Marwo Safiya Xasan...

Wasiirka Cusub ee wasaaradda Arimaha Gudaha oo kormeer shaqo ku tahay Xarunta NIRA.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha XFS Md. Cali Yuusuf Cali...

Taageerada Beesha Caalamka ay u heyso Soomaaliya oo sii kordhaya (WARBIXIN)

-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay soo dhowaynaysaa war murtiyeedka...