Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Dhuusamareeb+Sawirro.

Date:

Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa halkaas waxaa si weyn ugu soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug gaar ahaan madaxweyne ku-xigeenka Cali Daahir Ciid iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa magaalada Dhuusamareeb kaga qeyb galaya shirka wadatashiga hannaanka doorashada ee u dhaxeeya DFS iyo maamul Goboleedyada.

Magaalada ayaa waxaa ku sugan Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynayaasha maamul Goboleedyada Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed iyo Madaxweynaha martida loo yahay ee Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye “Qoorqoor”, kuwaasoo shalay gelinkii dambe illaa xalay shirar gaar gaar yeelanayay.

             

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirada Gaashaandhigga Soomaaliya iyo Qadar oo yeeshay kulan muhiim ah

Wasiirka Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin...

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XFS oo Faahfaahin ka Bixiyay Qaraar ku Saabsan Khayraadka Dabiiciga ah oo uu Meel Mariyay Baarlamaanka West Virginia.

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Saalax Axmed Jaamac,...

Buulo-burde oo u gudubtay wareegga afar dhamaadka ee Tartan cilmiyeedka Ramadaan

Degmada Buulo-Burde oo ka tirsan Gobolka Hiiraan ayaa u...

Wasaaradda Batroolka XFS iyo West Virginia oo Iska kaashanaya Sahminta iyo Soo Saarista Macdanta Muhiimka ah

Wasaaradda Batrolka iyo kheyraadka Macdanta XFS iyo Gobolka West...