Sii haya xilka Ra’iisul wasaaraha ayaa daah furay Musawac hagaya Maraakiibta Dekadda Muqdisho.[Sawirro]

Date:

Sii hayaha xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xariga ka jaray Masawac laga hir geliyay magaalada Muqdisho oo loogu tala galay in maraakiibtu ay si fudud ugu soo hirtaan dekadda Muqdisho.

Musawaca oo iftiinkiisa xilliyada habeenkii ay meel fog ka arki karaan howl-wadeennada maraakiibta ayaa sahlaya inay gartaan masaafada dekaddu u jirto iyo inay si fudud ugu soo hirtaan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Koowaad ee XFS ayaa caddeeyay in dib u furitaanka Musawaca oo 100 sano jirsaday ay qayb ka tahay horumarinta dekadaha gaar ahaan dekadda Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka.

Xukuumadda ayaa dadaal xooggan gelisay dib-u-dhiska dalka, waxaana horay sidaan oo kale dib loogu soo celiyay adeegyo muhiim u ahaa dowladnimada iyo dib-u-kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxda Warfaafinta Hirshabeelle oo tacsi u diray Agaasimaha Guud ee Warfaafinta

Masuuliyiinta Wasaaradda Warfaafinta Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, oo ay hormuud ka...

Shiinaha oo si adag uga soo horjeestay damaca Israa’iil ee Somaliland

Dowladda Shiinaha ayaa maanta oo Isniin ah ku biirtay...

Aqoonsiga qeybo ka mid ah dal waxa uu khatar gelinayaa nabadda iyo amniga Caalamka

In ka badan 21 dal iyo Ururo ah heer...

Dibadbax ka dhan ah xadgudubka Israa’iil oo xalay ka dhacay Muqdisho

Banaanbax ka dhan ah xadgudubka ay Israa’iil ku sameysay...