Madaxweynaha Hirshabeelle oo la kulmay Guddiga Farsamada ee oo xilsaaray ka soo tala bixinta hannaanka doorashada dalka “SAWIRRO”

Date:

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle  Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta la kulmay Guddiga farsamada ee loo xilsaaray ka soo talo bixinta hanaanka Doorashooyin ku qabsooma waqtigooda oo lagu Aas-aasay magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug.

Kulanka oo ahaa is xog wareysi iyo in guddiga lagu dhiirigaliyo habsami usocodka howlaha culus ee horyaala ayaa waxaa la isla gartay.sidii ay u soo saari lahaayeen talooyin wax ku ool ah oo danta dadka iyo dalka ay ku jirto iyo inay muujiyaan doorka ugu wayn ay ku leeyihiin qabsoomida shirka  Dhusamareb 3 oo la filayo in uu qabsoomo 15 Bishan.

Madaxweynaha Hirshabeelle  Dr  Maxamed Cabdi Waare ayaa markale uga mahad celiyay guddigaan dadaalka aan kala go’a lahayn ee ay Ummadda u hayaan, isagoo sheegay dib dhac ku yimaada shirka ay u wanaagsaneyn rajada ummadda ka qabto doorashada Soomaaliya.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiirka Caafimaadka oo ka warbixiyay horumarka adeegyada caafimaadka dalka

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali XaajI oo...

Wasiirka Maaliyadda XFS oo Dekedda Muqdisho ku soo dhaweeyay Safiirka Dowladda UK

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,Mudane Biixi Iimaan Cige oo...

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo daah furay ololaha Nadaafadda caasimadda 

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Soomaaliya oo ka qaybgalay shirka hagidda Istiraatiijiyadda EAC 

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Dhaqaalaha ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo...