Malleeshiyada Al-shabaab oo jab xooggan loogu gaystay deengaanka Shabeellow ee Mudug.

Date:

Wararkii u dambeeyay oo aan ka helayno dad ku sugan deegaanka Shabeellow ayaa sheegaya in jab xooggan loogu geystay kooxdii Argagixisada Al-Shabaab ee dadka shacabka ku xasuuqay deegaankaasi, waxaana haatan howlgalka si toos ugu biiray cutubyo ka tirsan  Ururka lixaad guutada 1-6aad ee ciidanka Kumaandooska Soomaaliyeed ee Danab.

Maleeshiyaadka Al-Shabaab ee laga ceyriyay deegaanka Shabeellow oo qiyaastii 20-km u jirta deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug ayaa lagu soo waramayaa inay galeen dhufeyso ay ka sameysteen deegaanno u dhaxeeya Shabeellow iyo Caad ee Gobolka Mudug, waxaana dadka deegaanka oo kaashanaya ciidanka Danab ay wadaan baaritaanno ay ku xaqiijinayaan Nabadgelyada deegaanka.

Aroornimadii hore ee saaka ayay ahayd markii argagixisada Al-Shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen dad xoolo dhaqato ah oo kusugan deegaanka Shabeellow, kuwaasi oo doonayay inay ka qaataan lacago iyo xoolo baad ah, balse ay ka biyo diideen dadkii dagaanka, waxaana halkaasi ka dhashay dagaal sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana argagixisada Al-Shabaab loogu geystay qasaare fara badan, lagana ceyriyay deegaanka Shabeellow.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Hay’adda NISA oo howlgallo qorsheysan ka fulisay deegaanka Tardo ee Gobolka Hiiraan.

Muqdisho, Diseembar 16, 2025: Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda...

Wasiirka Caafimaadka oo Furay Ololaha Tallaalka Cudurka Gowracatada

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya...

Taliyaha Ciidanka Dhulka XDS oo kormeer shaqo ku tegay degaanno dhaca jiinka Webiga Shabeelle

Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sareeye Guuto...

Wasiir Ku-xigeenka Ganacsiga oo ka qaybgalay Madasha Heshiiska Xorta ah ee Qaaradda Afrika

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka...