Maalinta dhalinyarada Adduunka oo lagu xusay Jowhar.[Sawirro]

Date:

12-ka August oo ku beegan maalinta dhallinyarada caalamka oo maanta oo kale laga xuso dunida inteeda kale ayaa lagu qabtay magaalada Jowhar ee xarunta Dowlad Goboleedka Hirshabeelle.

Munaasabadda oo ay soo qaban qaabiyeen ururka dhallinyarada Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxaa ka qeyb galay mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Hirshabeelle, iyadoo uu madasha ka hadlay guddoomiye ku-xigeenka dhallinyarada Gobolka Xuseen Maxamed Xaaji oo tilmaamay in dhallinta gobolka ay qabaan baahiyo kala duwan, loona baahanyahay in maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe uu ka jawaabo.

Duqa magaalada Jowhar Saalax Muudeey Cali oo isna goobta hadal kooban ka jeediyay ayaa dhallinyarada ka codsaday inay la yimaadaan hal abuur ganacsi si gacan looga siiyo arrimahaasi.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha ee dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cumar Maxamed Cumar (Gaabow) ayaa sheegay inay jiraan qorshayaal ay iska kaashanayen Wasaaradda Qorsheynta oo uu hakad geliyay cudurka COVID-19, balse ay ku rajo weynyihiin in arrimahasi dib loo bilaabo, si shaqo abuur loogu sameeyo dhallinyarada.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Wasiir ku-xigeenka Ganacsiga oo ka hadlay Barnaamijyada Maalgashiga ee Soomaaliya

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya,...

Wasiir Fiqi oo ka Guddoomay Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Cusub ee Suudaan

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed...

Wasiirka Deegaanka XFS oo kulan la yeeshay Madaxa Bankiga Adduunka

Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo isbadalka cimilada Soomaaliya Midane Bashiir...

R/WXamse ” Xukuumadda waxa ay waddaa qorshe lagu hormarinayo Waxbarashada dalka”

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi...