Agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina oo munaasabad soo dhaweyn ah loo sameeyey+sawirro.

Date:

Munaasabad lagu dhiirogelinayay laguna soo dhaweynayay maamulka cusub ee dhawaan loo magacabay isbitalka Madiina ayaa lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda mas’uuliyiin,ganacsato iyo arday kuwaasi oo wax ka soo bartay dalka Shiinaha,iyadoo Dr Haashim Maxamed Faarax agaasimaha cusub ee soo dhaweynta loo sameeyey uu kamid yahay bahda reer China.

Dhamaan mas’uuliyiintii ka hadlay gobtaasi ayaa agaasimaha cusub ku dhiirogeliyay gudashada waajibaadka loo igmaday oo ah u adeegista shacabka,waxaana kamid ah Hodan Cismaan Cabdi oo kaaliye ka ah jaamacadda Zhejian normal University ee dalka Shiinaha,Dr Najiib Ciise Diiriye oo ka socday Jaamacadda Simad,ganacsato iyo dhaqaatiir kale.

Dr Haashim Maxamed Faarax agaasimaha cusub ee isbitalka Madiina ayaa ka mahadceliyay soo dhaweynta ay u sameeyeen bahdiisa,wuxuuna muujiyay sidi uu diyaarka ugu yahay in bulshadiisa uu u adeego.

Agaasimaha cusub ee isbitaalka Madiina Dr. Hashim Farah ayaa 5 August 2020 xilka kala wareegay agaasimihii hore ee isbitaalka Dr Maxamed Yuusuf oo in muddo ah soo maamulayay isbitalkaasi. Xil wareejintan waxaa goobjoog ka ahaa taliyaha hoggaanka caafimadka ciidmadda Booliska Soomaaliya Cali Xirsi Barre (Cali Gaab) iyo mas’uuliyiin kale.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...