Ciidanka amniga oo soo afjaray howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe.

Date:

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,sida uu (SONNA) u sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii qaar kamid ah maxaabiista xabsiga Dhexe ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelinkii dambe ee maanta,iyadoo ciidamadu ay toogteen qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay,4 ayaa la qabtay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii dagaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

Xaaladda ayaana haatan ku soo laabatay si caadi ah,waxaana lafilayaa in laamaha ammaanku ay war rasmi ah ka soo saaraan sida ay wax u dheceen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Ciidanka Xoogga oo Fashiliyey Weerar Argagixisadu Saaka ku Qaadday Baydhabo

17- Aug Taliska Ciidanka XDS ayaa fashiliyay weerar ay...

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Guddiga Xuquuqul Insaanka Qaranka

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka Soomaaliyeed (SoDMA), Mudane Maxamuud...

Madaxweynaha JFS oo tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada...

Shirka Daahfurka Sharciga Cadaaladda Da’yarta Soomaaliyeed oo goordhow ka furmay Muqdisho

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka, Mudane Xasan Macallin...