Ciidanka amniga oo soo afjaray howlgalkii ka socday Xabsiga Dhexe.

Date:

Ciidamada ammaanka ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan howlgalkii ka socday gudaha Xabsiga Dhexe ee magaalada Muqdisho,sida uu (SONNA) u sheegay afhayeenka wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Ismaaciil Mukhtaar Cumar.

Howlgalka ayaa ka dambeeyey kadib markii qaar kamid ah maxaabiista xabsiga Dhexe ay halkaasi shaqaaqo ka sameeyeen gelinkii dambe ee maanta,iyadoo ciidamadu ay toogteen qaar kamid ah dadkii maxaabiista ahaa ee shaqaadadaasi ku lug lahaa.

Ilaa 6 kamid ah maxaabiistii dagaalamaysay ayaa goobtay lagu toogtay,4 ayaa la qabtay,iyadoo ay dhaawacmeen 6 kale, oo ragii dagaalamay kamid ah,Waxaa goobta ku sugan ciidamada amniga iyo saraakiishooda,iyadoo weli ay socoto xaqiijin ku saabsan khasaaraha rasmiga ah ee shaqaaqaddaasi ka dhashey

Xaaladda ayaana haatan ku soo laabatay si caadi ah,waxaana lafilayaa in laamaha ammaanku ay war rasmi ah ka soo saaraan sida ay wax u dheceen.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddoomiyaha SoDMA oo howla shaqo ku jooga dalka Pakistan oo booqday Hay’adda NDMA. 

Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta Masiibooyinka (SoDMA), Mudane Maxamuud Macallin Cabdulle...

Wasiirka Wasaaradda Teknoolojiyadda XFS oo ka qeyb galay shirka Golaha Wasiirrada Isgaarsiinta Carabta.

Magaalada Qaahira ee Dalka Masar ayaa martigelisay shir heer...

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo ka qayb galay Shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Qaaradda Afrika.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Baashe...

Wafdi heer sare ah oo ka socda Dowladda Jarmalka oo booqasho ku yimid Soomaaliya.

Wafdi heer sare ah oo ka socday Dowladda Jamhuuriyadda...