Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha XFS oo xariga ka jaray xafiiska hubinta tayada qalabka dhismaha+Sawirro.

Date:

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, mudane Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa maanta xariga ka jaray xafiiska hubinta qalabka dhismaha oo qalabeyn casri ah lagu sameeyay, si uu qeyb uga qaato tayeynta dhismaha guryaha iyo wadooyinka dalka.

Ujeedada hir-gelinta xafiiska ayaa salka ku heysa horumarinta tayada dhismayaashada dalka iyo hubinta dhamaan waxybaaha fududeynaya in dhismaha dalka la hagaajiyo si loo helo dhismayaal tayo leh oo u adkeysan kara dabeylaha, roobabka, fatahadaha iyo dhamaam waxyaabaha burburiya dhismooyinka iyo wadooyinka.

Mudane Mahdi Maxamed Guuleed oo ballan qaaday in dowladdu ay ka shaqeyneyso hannaankii xafiiska loo ballaarin lahaa, ayaa shirkada dhismaha kula dardaarmay inay wasaaradda Howlaha guud kala shaqeeyaan hirgelinta dhismayaal leh tayada iyo halbeegga heer caalami.

Dowladda ayaa ku howlan hagaajinta iyo horumarinta dhismayaasha dalka si loo helo waddooyin iyo dhismayaal casri ah oo ka qeyb qaata bed-qabka bulshada, horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo dib u kabashada dalka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka oo Guddoomay Nuqullada Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Brazil

Agaasimaha Habmaamuuska Qaranka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga...

Hawlgal ka dhacay Hiiraan oo lagu dilay 25 ka tirsan Khawaarijta, iyo afar horjooge oo isku soo dhiibay CXDS

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya Saaxiibbada Caalamka, ayaa...

Kulan lagu soo bandhigayay Mashruuca Bulsho oo lagu qabtay magaalada Baydhabo

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta...

Soomaaliya oo aragtideeda horumarineed ku soo bandhigtay Maalinta Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkeysay doorkeeda ku...