Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug oo kormeeray isbitaalka deegaanka Gawaan ee gobolka Mudug+SAWIRRO.

Date:

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano Iyo maamulka Gobolka Mudug ayaa kormeer ku sameeyey isbitaalka degaanka Gawaan ee Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa safar dhulka ah uga soo amba baxay magaalada Hobyo oo ay shalay uu kaga qeyb galeen dhagax dhigga isbitaalka Hooyada iyo Dhalaanka Degmadaasi oo Marwada koowaad ee dalka Seynab Macallin iyo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug ay si wadajir ah u dhagax dhigeen.

Socdaalkaan ayaa noqanaya kii u horeeyay ee guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ku yimaada Magaalada Gaalkacyo, kadib markii shalay uu gaaray Degmada hobyo halkaas oo isaga iyo marwada koowaad ee madaxweynaha dalka ay markii u horeysay ka dhagax dhigeen dhismaha isbitaal si lacag la’aan ah uga faa’ideeysan doonaa marka la hirgaliyo bulshada ku nool dagmada hobyo oo mudooyinkii u danbeeyay walaac Ka muujinayay baahiyada dhanka adeegyada caafimaadka oo ku liita.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Madaxweynaha JFS oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay Munaasabadda Maalinta Calanka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa...

Ciidanka Xoogga Dalka oo gacanta ku dhigay laba dhagarqabe oo ka tirsan Khawaarijta

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa degmada Afgooye ee Gobolka...

Duqa Muqdisho oo xarigga ka jaray dib u-dhis lagu sameeyay Dugsiga Waxaracadde

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Dr. Xasan...

Xuska 12-ka Oktoobar ee Maalinta Calanka Soomaaliya

Maanta oo ah 12-ka Oktoobar waxay ku beeggan tahay...