XFS oo Maamulka Gobolka Banaadir ku wareejisay Waxbarashada Caasimadda.

Date:

Munaasabad ballaaran oo maanta lagu qabtay hoolka sahal ee magaalada Muqdisho ayaa Maamulka Gobolka Banaadir Lagu wareejiyay waxbarashada Caasimadda.

Munaasabadaasi waxaa ka qeyb-galay sii hayaha Ra’isul wasaaraha dalka ahna sii hayaha Ra’isulwasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar) Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa caasimadda Cumar Maxamed Maxamuud (Cumar-Filish) sii hayaha wasiirka waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee XFS Mudane Cabdullaahi Goodax Barre iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Maamulka Gobolka Banaadir oo kaashanaya wasaaradda waxbarashada  ayaa 19-kii bishii aan soo dhaafnay qaaday imtixaanka dugsiyada sare  ee Gobolka Banaadir.

 

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Türkiye oo xusay 15-guuradii booqashadii Erdoğan uu ku yimid Muqdisho

Danjiraha Dowladda Soomaaliya ee dalka Turkiga Fatxudiin Cali Maxamed,...

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo maanta shir-guddoomiyay kulanka labaad ee Kalfadhiga 8-aad ee Guddiga Joogtada Aqalka Sare

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi...

Soomaaliya iyo Masar oo ka wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal iyo amniga Geeska Afrika

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya, Cabdisalaam Cabdi Cali, iyo...

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...