Turkiga oo cambaareeyay weerararo ka dhacay Soomaaaliya iyo Burkina Faso.

Date:

Dowladda Turkiga ayaa Cambaareysay weeraro geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka kala dhacay dalalka Soomaaliya iyo Burkina Faso, kuwaas oo ay ku waxyeeloobeen askar iyo Dad shacab ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga ayaa war kasoo baxay lagu cambaareeyay qarixii ismiidaaminta ahaa ee shalay lagu qaaday xarunta Taliska qeybta 12-ka Apriil oo ku taalla agagaarka Garoonka ciyaaraha Stadiom Muqdisho ee Magaalada Muqdisho.

“Waxaan ka murugeyanahay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday Xerada Ciidamada Dowladda qeybta 12-ka April ee Muqdisho,weerarkaas oo ay ku dhinteen 8 ruux tiro kalena ku dhaawacmeen, Waxaan tacsi u direynaa shacabka walaalaha ah ee Soomaaliyeed , waxaan u rajeyneynaa inuu Allah ha u naxariisto kuwa naftooda ku waayey iyo dhaqso u soo kabashada kuwa dhaawacmay ayaa lagu yiri” qoraalka kasoo baxay Dowladda Turkiga.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Guddiga Golaha Shacabka oo Wasiirka Warfaafinta Ka Dhageystay Warbixin ku Saabsan Shaqada iyo Qorshayaasha Wasaaradda

Guddiga Warfaafinta, Wacyigelinta, Dhaqanka, Dalxiiska, Boostada iyo Isgaarsiinta ee...

Somalia iyo Pakistan oo Xoojinaya Iskaashiga Difaaca iyo Tayeynta Ciidanka Cirka Soomaaliyeed

Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi,...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalaya shirka golaha loo dhanyahay ee QM

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya,mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta...

Sheekh Aadan Madoobe oo guddoomiyay kulan looga hadlayay u diyaargarowga saamaynta El-nino

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur...