Dawladda Soomaaliya oo ka digtay cabsi laga qabo fatahaado iyo dabeylo ku soo wajahan qeybo ka mid ah dalka.

Date:

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay ugu digtay bulshada Soomaaliyeed ee ku nool hareeraha labada webi ee  jubba iyo shabeelle cabsida laga qabo, Roobab, Hirar, fatahaado iyo dabeylo la filayo in ay ku soo wajahan yihiin qeybo ka mid ah dalka, iyaddoo sidoo kale Wasaaradda  u sheegeysa bulshada tallaabooyinka ay tahay in ay qaadaan, si looga feejignaado halisyada laga cabsi qabo.

Halkaan hoose ka Akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda Gargaarka.

MUQDISHO, Soomaaliya, 05ta Ogosto 2020 – Roobab, Hirar iyo Dabeylo ayaa la filayaa in ay ku soo wajahanyihiin qeybo ka mid ah dalka.

Roobab xooggan ayey saadaasha toddobada casho ee soo socoto tilmaamaysaa in ay ka da’idoonaan qeybo ka mid ah Goballada Koofureed iyo kuwa Woqooyi ee dalka.

Sidoo kaleRoobab ka da’aya buuralayda Itoobiya ayaa laga cabsi qabaa in ay sabab u noqdaan sare u kaca heerka Webiga Shabeelle iyo Jubba taasi oo ay ka dhalan karto fatahaado ka dhaca Magaalooyinka ku hareereysan Webiga sida Jowhar iyo Baladweyne.

Heer cabbirka Webiga Shabeelle ee uu hadda marayo ayaa saameeyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa ganacsiga ee Magaalada Jowhar ee Gobalka Shabeellada dhex.

Degmada Afgooye oo ay dhawaan saameeyeen roobabkii xagaaga ee aan horey uga dignay ayaa waxaa laga cabsi qabaa in ay mar labaad saameyn ku yeeshaan roobabka la filayo in ay da’aan toddobada cisho ee soo socta, iyadoo wabigu horey u buuxay.

Mowjadaha iyo Hirarka Badda: 7-12 Bisha Ogosto waxaa la saadaalinayaa in Mowjadaha Badda ay sara u kacayaan taas oo sababi karta in ay wax yeelo naf iyo maalba leh u gaysato dadka ku shaqeysta doonyaha yaryar iyo dadka dalxiiska u aada xeebaha, sidoo kale waxay waxyeelo u geysan kartaa dadka ku nool nawaaxiga badda.

Dabeylaha Xagaaga xaalada dabeysha ayaa markasta is badbadaleysa sidaas darteed waxaa laga cabsi qabaa in maalmaha soo socda ay sara u kac ku yimaado Xawaare-socodka dabeysha.

Xarunta Qaran ee Ka digista Halis-wadareedka (NMHEWC) waxay si gaar ah uga digeeysaa dhammaan bulshooyinka kala duwan sida; dadka ku nool hareeraha Wabiyada Shabeelle iyo Jubba, kaluumeeysatada iyo dadka ku dhaqan degaannada dhaca Xeebaha in ay ka digtoonaadaan khataraha ku soo wajahan.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka (WG&MM) waxey ugu baaqeysaa dhamaan maamulladda deegaanaddaas kor ku xusan iyo dhammaan hey’adaha gargaarka ee ka hawlgala deegaannadaas in ay u diyaar garoobaan xaaladdan soo cusboonaatay, ayna taageero u muujiyaan bulshada ku dhaqan xeebaha iyo deeganada barriga ah.

Xarunta waxey si dhaw ula socotaa is badalka xaaladaha , waxeyna idiin soo gudbineysaa waxa soo kordha iyo sida ay isubaddesho xaaladda.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...