Dowladda Hoose ee Xamar oo hirgalinaysa hannaanka dhismaha fudud ee waddooyinka.

Date:

Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda gobolka Banaadir mudane Axmed Xasan Iimaan iyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada iyo wacyigelinta Gobolka Basma Caamir Jakeeti ayaa si wadajir ah xarigga uga jaray Waddo loo qabeeyay hannaanka dhismaha fudud ee loo yaqaanno  Inter-lock ah oo ku taalla degmada Xamar-Jajab ee gobolka Banaadir.

Waddadaan inter-lock-ga ah oo aheyd mid ay dhibaato badan ku qabeen burburkeeda bulshada ku nool degmada Xamar-jajab iyo gaadiidka isticmaalo ayaa waxaa dhisay maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmada Xamar-jajab oo uu horkacayo guddoomiyaha degmada Guhaad Sheekh Xasan.

Guddoomiye ku xigeennada gobolka Banaadir Axmed Xasan Iimaan iyo Basma Caamir Jakeeti ayaa bulshada degmada kula dardaarmay in ay ilaashadaan bilicda waddadaan iyo guud ahaan degmada Xamar-jajab si ay tusaale ugu noqdaan degmooyinka kale.

Dowladda hoose ee Xamar ayaa billooyinkii dambe billowday dib u dhiska waddooyinka loo yaqaan inter-locks oo aan dib loo dhisin burburkii kaddib,waxeyna bulshadu maamulka ku ammaaneed horumarinta waddooyinka.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Maxay ka wada hadleen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka qaranka iyo ururka Haweenka SSC-Khaatumo?

Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee...

Waalidiinta Dhallinyaro ku xiran dalka Maali oo tabashadooda la dhageystay

Wasiir kuxigeenka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay waalidiinta...

Madaxweynaha JFS iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray dalka Jabuuti

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...

Saraakiil ka tirsan Xafiiska hantidhowrka oo ka qalin jabiyey Henley Business School Africa

𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐧𝐭𝐢𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐆𝐮𝐮𝐝 𝐞𝐞 𝐉𝐅𝐒 waxa uu ku faraxsan...