Tiradii ugu yarayd oo gudanaya acmaasha xajka ee sanadkan.

Date:

Acmaasha Xajka ee sanadlaha ah oo ay gutaan Muslimiinta ku nool daafaha dunida ayaa waxa ay billaabanayaan maanta oo Arbaca ah, hasayeeshee waxaa aad loo soo koobay tirada dadka Acmaashaas gudanaya fayraska korona awadii.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxa ay mamnuucday dadkii caalamka ka imaan lahaa ee tegi lahaa magaalada barakaysan ee Makkah al-Mukaramah, arrintaas oo ay dowladdu uga gol-leedahay sidii lagu xakamayn lahaa cudurkaasi safmarka ah.

Waxaa loo ogolaaday oo kaliya muwaadiniinta dalalka kale ka soo jeeda ee deggan boqortooyada inay Xajka sanadkan gutaan.

Illaa laba milyan oo qof ayaa caadiyan sanadkiiba Acmaasha Xajka guta, hasayeeshee sanadkaan ayaa waxaa la filayaa inay gutaan dad aanan ka badnayn 10,000 oo qof.

Dadka loo ogolaaday inay tagaan  Xajka sanadkaan ayaa waxaa laga baarayaa fayraska iyo heerkulka jirkooda markii ay soo gaaraan magaalada Makkah, sida ay ku warramayso wakaaladda wararka ee AFP.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Soomaaliya iyo Tanzania oo horumarinaya iskaashiga ka dhexeeya

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Cabdisalaan Cabdi...

Xuska 65-sano guurada xornimada Soomaaliya oo Sucuudiga lagu qabtay

Ergada Soomaaliya ee fadhida Isbahaysiga Ciidamada Wadamada Islaamka ee...

MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA OO KA QEYBGALAY XUSKA MAALINTA XORIYADDA IYO MIDNIMADA DALKA

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo...

Madaxweynaha JFS oo dhagax-dhigay taallada daljirka dahsoon

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud...