Aqalka Hoose Ee ‘BFS’ Oo Akhrinta 3-aad Marinaya Wax-Ka-Bedelka Sharciga Xisbiyada.

Date:

Xildhibaannada Golaha shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa in ay kulan ku yeeshaan xarunta KMG golaha shacabka ee Villa Hargeysa.

Ajandaha kulanka Maanta ee Aqalka Hoose ayaa ah dhamaystirka iyo u codeynta Wax Ka badalka Sharciga xisbiyadda siyaasadda, iyada oo kulamadii la soo dhaafay ay xildhibaannadu akhrinta koowaad iyo labaad marsiiyeen Sharciga Xisbiyadda Siyaasadda dalka.

Xildhibaannada ayaa xalay waxaa lagu wargeliyay in Maanta oo Arbaco ah uu jiro kulan weynaha golaha Shacabka,isla markaana Xildhibaannada looga baahan yahay inay kasoo qeyb-galaan.

Golaha shacabka ayaa waxaa horyaalla hindise sharciyeedyo hortebin u leh dalka,waxaana la filayaa in ay meel mariyaan muddada u harsan baarlamaanka 10-aad oo waqtigiisu gabaabsi yahay.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Shir ay soo qabanqaabisay Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka oo ka furmay Muqdisho

-Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka furmay shir ay soo...

Wasiir Ku-xigeenka Arrimaha Dibadda oo ka Guddoomay Nuqul ka mid ah Warqadaha Aqoonsiga Safiirka Midowga Yurub Ee Soomaaliya

-Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah,...

Golaha Warbaahinta Soomaaliya oo Wada-hadallo la Yeeshay Golaha Saxaafadda Koonfur Afrika

-Golaha Warbaahinta Soomaaliya ayaa magaalada Johannesburg wada-hadallo kula yeeshay...

GUDDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA OO XAFIISKIISA KU QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA U FADHIYA SOOMAALIYA

-Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane...