Wasaaradda Gargaarka XFS Oo Fartay Hay’adaha Samafalka In Ay Ka Qeyb Qaataan Gurmadka.

Date:

Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta masiibooyinka XFS mudane Xamza Saciid Xamza ayaa sheegay in Webiga Shabeelle uu fatahaado ba’an ka geystay xaafado ka tirsan degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose iyo tuulooyin hoostaga degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe.

Wasiirka ayaa waxaa uu sheegay in Xaafadaha uu Webiga ku fatahay ee degmada Afgooye ay kamid yihiin, Dhagax-tuur, Baalguri iyo tuulooyinka hoostaga degmada oo ay kamid yihiin Sabiid, Caanoole, Baqdaad iyo deegaanno kale,isla markaana dadka Shacabka ah uu saameyn ku yeeshay,isagoo sidoo kale tilmaamay in deegaanno ka tirsan degmada Balcad uu fatahaad ka geystay halkaas oo ay ka barakaceen dadki deganaa.

Xamsa ayaa Hay’adaha samafalka ee ka howgalla dalka faray inay gurmad deg deg ah gaarsiiyaan dadka uu saameynta ku yeeshay fatahaadda uu Wabiga Shabeelle ka sameeyay deegaanno ka tirsan gobollada Shabeellaha Dhexe & Shabeellaha Hoose.

Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka XFS ayaa toddobaadkaan ka digtay roobab dabeylo wato oo ku soo wajahan qaar kamid ah degmooyinka dalka iyo dhibaatada ka dhalan karta musiibooyinka dabiiciga ah.

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka oo baaris ku wada dhallinyaro ku xadgudbay Gabadh Soomaaliyeed

Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa sheegay uu...

Masuuliyiin katirsan Dowladda oo booqday Xarunta Qaran ee TUBSAN

Agaasimaha Xarunta Qaran ee TUBSAN, Mudane Cali Yaasiin Gurbe,...

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle iyo mas’uuliyiin kale oo u baxay joojinta colaadda ka taagan magaalada Jalalaqsi

Madaxweyne Ku-xigeenka Hirshabelle Yuusuf Axmed Hagar (Dabageed), Senator Fartuun...

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo Guddoomiyay Shirka Guddiga Sare ee Istiraatiijiyadda XDS

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), S/Guuto Ibraahim Maxamed...