Gobalka Banaadir Oo U Diyaar Garoobaya Xuska 24 Julay Oo Ku Beegan Qaraxii Ka Dhacay Xarunta Gobalka+Sawirro

Date:

Kulan ay ku yeesheen aqalka Dowladda Hoose xubno ka tirsan guddiga diyaarinta munaasabadda lagu xusayo dadkii ku nafwaayay qaraxii sanad ka hor ka dhacay Dowladda hoose ayaa waxaa qeyb-ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Shakeeti iyo guddoomiye ku xigeenka Howlaha guud ayaa looga hadlay dar dargalinta diyaar garoowga maadaama ay maalmo yar ka harsantahay.

Kulankaan oo ka dhacay xafiiska agaasimaha guud ee amniga iyo siyaasadda maamulka Gobolka Banaadir, ayaa waxaa goob-joog ka ahaa qaar ka tirsan agaasimayaasha guud iyo agaasime Waaxeedyada Dowladda Hoose, iyadoona la isla qaatay in Xuska Dhacdadii 24July iyo 1da August si weyn loo xuso.

Guddoomiye Ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada iyo howlaha guud, Marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi ayaa si wada-jir ah u shir Guddoomiyey kulan loogu hadlayay qabanqaabada xuska 24 July iyo 1da August oo ku beegan musiibadii ka dhacday Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar taasi oo ay ku geeriyoodeen Mas’uuliyiin fara badan oo ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir oo uu ugu horeeyay Duqii hore Eng. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisow).

Share post:

Ugu Akhris badan

Kuwo kale
Kuwo kale

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda oo daahfuray Qorshaha Istaraatijiyadda WFP ee gudaha Soomaaliya ee 2026-2030

R/Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac ayaa daahfuray...

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay magaalada Muqdisho

Shirweynaha 1-aad ee Badaha Soomaaliya ayaa goordhow ka furmay...

Wasiirka Waxbarashada oo magaalada Laascaanood ka dhagax dhigay dhismaha Dugsi Hoose/dhexe ah

Wasiirka Wasaarada Waxbarashada Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane Farah Sheikh...

Garsoore Cumar Cartan oo dhex-dhexaadin doona finalka CECAFA Cup

Garsooraha Soomaaliyeed Cumar Cabdulqaadir Cartan ayaa dhex-dhexaadin doona ciyaarta...